Axmed: “Doorashada Xildhibaanadu Ma Dhacayso Ilaa Ciidamada Laga Saaro Gedo”

Published: October 6, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta furay Kal-Fadhiga Sadexaad ee Golaha Wakiilada Jubaland.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey ayaa Xildhibaanada uga warbixiyay Xaalada Jubaland gaar ahaan sababta uu xukuumad usoo dhisi waayey iyadoo mudo hal sano ah laga joogo markii la doortay.

Wuxuu sheegay sababta xukuumad la’aanta keentay inay tahay in uu raadinayo midnimada iyo wadajirka Jubbaland, balse uu hadda soo dhisi doono xukuumad ka dhabaysa himilooyinka Shacabka iyo filashada ay ka qaban Dowladooda.

Wuxuu intaas ku daray inuu raadinayo sidii xal looga gaari lahaa dhibaatada ka taagan gobolka Gedo, isagoo dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay xageeda wax walba ka socon la yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in arimaha doorashooyinka heer federaal laga gaaray heshiis dhab ah kaas oo dhabaha u xaaraya sidii uu dalka ugu jihaysan lahaa doorashooyinka 2020/2021.

Axmed Madoobe ayaa hoosta ka xariiqay inaaan la qaban doonin doorashada xildhibaanada federaalka ee degmada Garbohaareey ilaa iyo inta ciidamada dowlada dhexe laga saarayo gobolka Gedo, maamulkeedana lagu wareejinayo Jubbaland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment