Ethiopia: Tigray-ga oo sheegay inuu dhamaaday wakhtigii Baarlamaanka Federaalka

Published: October 6, 2020

Ismaamulka Tigray-ga Itoobiya ayaa sheegay inaysan aqoonsaneyn Baarlamaanka Federaalka (Golaha Shacabka & Golaha Federaalka) kadib markii uu wakhtigooda ka dhamaaday shalay oo ahayd 5ta Oktoober.

Maamulka Tigrayga ayaa sheegay inaysan la shaqeyn doonin Xukuumada Raysalwasaare Abiy Ahmed, waxayna sheegeen inay lasii shaqeyn doonaan Militariga iyo Golaha Garsoorka Itoobiya oo kaliya!

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in xildhibaanada kasoo jeeda deegaankooda aysan ka qeyb qaadan doonin Baarlamaanka Itoobiya oo kalfadhigiisa Isniintii shalay la furay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhamaan xubnaha kasoo jeeda Tigrayga aysan qaban karin xilalka ay ka hayeen Federaalka oo ay ku jiraan kuwa kamid ahaa Golaha Wasiirada iyo xilalka kale ee heer Federaal.

Kalfadhiga Baarlamaanka labadiisa Aqal ayaa shalay  ka furmay Hoolka shirarka ee Xafiiska Raysalwasaaraha, waxaana khudbad kasoo jeedisay Madaxweynaha Shale-Work Zewde, balse lama soo hadal qaadin go’aanka Tigrayga.

Maamulka Tigrayga ayaa kasoo horjeeda dib u dhigistii Doorashada guud ee dalkaasi oo dhici lahayd sanadkan, Xukuumada Abiy Ahmed ayaa sheegtay in doorashada hal sano dib loo dhigay arrimo la xariira saameynta cudurka Covid19.

Guddoomiyaha Golaha Federaalka (Aqalka Sare) Adam Farah ayaa asbuucii lasoo dhaafay saxaafada u sheegay in go’aanka TPLF uu khatar ku yahay Dastuurka dalkaasi oo u baneenaya Dowlada Federaalka inay  tilaabo qaado.

Tilaabooyinka ay Dowlada Federaalka qaadi karto una fasaxayo Dastuurkooda ayaa waxaa kamid ah in la kala diro Baarlamaanka deegaanka Tigraya & Xukuumada, iyo magacaabida maamul kumeel gaar ah. Dowlada Federaalka ayaa sidoo kale ku goodineysa inay ciidamada Federaalka u diri doonto Maamulka Tigraya.

Xiisadan ayaa laga cabsi qabaa in markale ay dalka Itoobiya dib ugu celiso dagaal sokeeye, Tigrayga ayaa ku doodaya in Nidaamka Federaalka ee ku dhisan Qawmiyadaha ay tahay mid lagu heshiiyey isla markaana Xukuumada Federaalka ee hada joogta ee Abiy Ahmed ay dooneyso burburinta wixii horey loogu heshiiyey.

Maxamed Cismaan
Horseed Media  

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *