Shil Sababay Dhimasho Oo Ka Dhacay Qardho

Published: October 6, 2020

Waxaa caawa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ee Puntland ka dhacay shil sababay dhimashada hal qof, kadib markii mid kamid ah gaadiidka mooto bajaajtu jiirtay.

Qofkan oo ahaa oday da’diisu weyn tahay ayaa isaga oo ka gudbaya wadada ku timid mooto bajaaj xawaare sare ku socota, kadibna dhaawicii kasoo gaaray shilkaasi u geeriyooday, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Ciidamada booliska Qardho ayaa gacanta ku dhigay bajaajta iyo qofkii wadey ee falkaasi geystay oo ahaa qof da’yar, waxaana la geeyey saldhiga dhexe.

Gaadiidka Mooto Bajaajta ayaa muddooyinkii dambe aad ugu soo badanaysay magaalada Qardho, mana jirto sharci xakamaynaya dadka darawaliinta ka ah maadaama ay xitaa wadayaan caruur aan qaangaar ahayn.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Alle ha u naxariisto .
    Midda kle dawayaash moto bajaajta waxn dhihi lahaa in ay dowlada socodkeeda xakameuso