Trump oo dib ugu noqday Aqalka-Cad isagoo weli la tacaalaya Covid19

Published: October 6, 2020

Donald Trump ayaa xalay dib ugu noqday Aqalka Cad ee Madaxtooyada Maraykanka, Madaxweynaha Maraykanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku jiray isbitaalka kadib markii laga helay Coronavirus.

Trump ayaa la sheegay inuu diiday inuu sii joogo isbitaalka lagu hayey tan iyo Sabtidii lasoo dhaafay, isagoona sheegay inuusan sii joogi karin isbitaalka xili ay socdaan ololaha doorashada.

Daawooyin kala duwan ayaa la sheegay in lasiiyey Trump, waxaana kamid ah daawooyin cusub oo tijaabo ah kuwaasi oo aan weli suuqa la keenin, wuxuuna sheegay inuu hada dareemayo isbedal.

Muuqaal kooban oo uu duubay kadib markii uu Aqalka Cad tagay ayuu Trump ku sheegay in wax badan ka bartay cudurka Covid19, isla markaana muhiim tahay in aan cudurkan loo jiifsan oo aan khatartiisa laga wel welin, waa siduu hadalka u dhigee, wuxuuna intaasi raaciyey inay heystaan isbitaalo iyo daawooyin tayo leh.

Hadalka Trump ayey cambaareeyeen dhakhaatiirta Maraykanka qaarkood oo sheegay in tani ay tahay fariin khaldan oo uu Madaxweynaha u dirayo shacabka, xili in ka badan 210-kun oo qof ay dalkaasi ugu dhinteen cudurkan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *