Warbaahinta Qaranka Oo Loo Bedelay Nidaamka Adeegga Dadweynaha – VIDEO

Published: October 6, 2020

Warbaahinta Qaranka ee ku hadasha afka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo bedelay nidaamka adeegga dadweynaha, taas oo ka dhigan in laga sii-deyn dhaliisha dowlada.

Siihayaha wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay munasabad Kooban oo maanta lagu daahfurayey geedi socodka hirgelinta adeegga warbaahinta dadweynaha ayaa arrintan ku tilmaamay talaabo horey loo qaaday.

“Warbaahinta dowladda waa inay ushaqeysaa sida kuwa caalamka waana u adeegi jirtay shacabkeed hase ahaatee cid walbo oo bulshada ka mid ah oo ka shaqeyneysa danaha dalka fikirkeeda waa gudbineynaa waana sababta uu madaxweyne Farmaajo uu u ogolaaday”

Wasiir Maareeye

Wasiir Maareeye ayaa sidoo kale sheegay inuu sharcigani iyagana saamayn doono warbaahinta dowliga ah ee ku hadla afka dowlad goboleedyada, waxaase talaabadan soo dhoweeyey ururada saxaafada, bulshada rayidka iyo xisbiyada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *