Al-shabaab Oo Siidaysay Dhakhaatiir U Af-duubnayd

Published: October 7, 2020

Kooxda Alshabaab ayaa siidaysey labo dhakhtar oo u dhashay wadanka Cuba kadib markii ay sanad kahor kasoo afduubteen gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera, isla markaana ku haystay gudaha Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray wasiirka arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayuu ku sheegay in lasii daayey labadan dhakhtar oo lagu kala magacaabay Assel Herrera iyo Landy Rodriguez.

Mr. Bruno ayaa uga mahadceliyey siideynta dhakhaatiirtan siihayaha wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, labada masuul ayaa ku wada xiriiray khadka taleefanka.

Lama oga qaabka lagu siidaayey labadan dhakhtar, balse warar hoose ayaa sheegaya wada hadal kadib in lasiidaayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *