Heshiiska Dekadda Muqidsho oo si rasmi ah qalinka loogu duugay -VIDEO

Published: October 7, 2020

Waxaa dib loo cusbooneysiiyey heshiiskii dekadda Muqdisho ee shirkadda Turkiga laga lee yahay ALBAYRAK, kaas oo lagu soo koobey muddo shan sano ah.

Heshiiska cusub ayaa qeexaya hannaanka lagu kordhin karo oo la gaarsiin karo muddadii heshiiskii hore dhigaayey ee gaarayey 20 sano haddii shirkadu soo buuxiso shuruudaha lagama maarmaanka ah ee ballaarinta dekadda iyo dayactirka, ee heshiiska cusub qoraayo, haddii kale dowladda Soomaaliya way ka bixi kartaa heshiiska.

Wada hadalka dib u cusbioneysiinta heshiiskan ayaa socdey muddo sanad ah, waxaana lagu dhamaystirey dalka Turkiga bishii Agoosto 2020.

Waxaa Dowalsdda Soomaaliya u saxiixdey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka badda Maryan Aweys Jaamac, halka shirkadda ALBAYRAK u saxiixey Axmed Sami, waxaana goobjoog ka ahaa Raysalwasaare kuxigeenka xilka sii haya Mahdi Guuleed.

Heshiiska ay shirkadda ALBAYRAK kula wareegtey dekadda Muqdisho ayaa la galay sanadkii 2014, ma jirin wax tartan ah oo lala galey shirkadda ALBAYRAK oo iyadu ahayd shirkad dhisme oo aan lahayn khibradda dhismaha dekadaha, waxaana heshiiskaasi gaarayey muddo 20 sano ah, inkasta oo shirkaddu 6 sano ee ay ka shaqeyneysey dekadda wax ballaarin ah aysan ku soo kordhin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *