MALI oo xayiraada laga qaaday kadib magacaabistii Raysalwasaraha & Xukumada cusub

Published: October 7, 2020
Raysalwasaaraha cusub Mukhtar Ouane ayaa horey usoo ahaa Wasiirka Arrimaha Dibada

Urur Gobaleedka dalalka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa xayiraadii ay kusoo rogeen dalka Mali qaaday Salaasadii shalay kadib markii la magacaabay Raysalwasaaraha cusub iyo xukuumada kumeelgaarka ah.

ECOWAS ayaa xayiraad kusoo rogtay dalka Mali oo la xiray dhamaan xaduudaha uu la wadaago dalalka jaarka la ah kadib inqilaabkii militari ee 18kii Agoosto xilka looga tuuray Madaxweynihii la doortay ee Ibrahim Boubacar Keita.

Dalalka Galbeedka Afrika ayaa ku cadaadiyey militariga inay xukunka ku wareejiyaan dowlad shibil ah, waxaana Madaxweyne kumeelgaarka loo magacaabay Bah Ndaw oo horey usoo noqday Wasiirka Gaashaandhiga horeyna uga tirsanaan jiray militariga oo uu ka gaaray darajada Korneyl.

Hogaamiyaha Militariga Inqilaabka Sameeyey Col. Assimi Goita ayaa isagu noqday Madaxweyne Kuxigeenka.

Madaxweyne Bah Ndaw

Madaxweyne Bah Ndaw ayaa xilka Raysalwasaaraha u magacaabay Mukhtar Ouane oo horey u ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibada ee xukuumadii la inqilaabay, Raysalwasaaraha ayaa muddo dheer soo hayey xilka Wasaaradaasi isla markaana kamid ah hogaamiyayaasha shibilka ah ee xiriirka fiican laleh Beesha Caalamka.

Raysalwasaaraha cusub ayaa ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo ka kooban 25 Wasiir, afar kamid ah ayaa ka socda dhanka militariga, kuwaasi oo loo magacaabay xilalka Wasaarada Difaaca, Amniga, Maamulka deegaanka iyo Dib u heshiisiinta.

Maxamed Cismaan
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *