NISA oo Hubin Amni ku Samaynaysa Shaqaalaha Dowladda Federaalka

Published: October 7, 2020

Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka ee dowladda Federaalka ayaa hubin amni ku samaynaysa dhammaan shaqaalaha dowladda federaalka u shaqeeya sida ay dalbatay wasaarada shaqada iyo shaqaalaha.

Saraakiisha hay’ada Nisa booqan doono wasaaradaha dowladda iyagoo waraysiyo la yeelan doono dhammaan shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha dowladda, islamarkaana ay diiwaangelin doonaan si loo hubiyo badqabka shaqaalaha iyo xarumaha dowladda.

Wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaaalaha Sadiiq Xirsi warfaa waxaa uu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay sugida amniga goobaha shaqada iyo ka hortegida wax kasta khatar ku aha amniga guud iyo midka gaar ah.

Ilaalinta amniga xarumaha dowladda waa laga huraan madaama ay ka howlgalaan madaama ay ka howlgalaan shaqaalaha dowladda oo lama huraan u ah fulinta qorshayaasha dowladda, ilaalinta macluumaadka shaqada iyo sirta dowladda” Sidaas waxaa yiri Wasiir Sadiiq Warfaa.

Dowladda federaalka ayaa hore u xirxirtay qaar ka mid ah shaqaalaha dowladda oo la shaqayn jiray ururka alshabaab.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *