Raysal Wasaare Rooble Oo La Kulmay Safiirada Wadamada Nordic – SAWIRO

Published: October 7, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay Safiirada Wadamada Nordic u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, doorashooyinka, horumarinta dhaqaalaha, dowlad-wanaagga, cadaaladda iyo nabad dhisidda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Sii-hayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska raysal wasaaraha.

Raysal Wasaare Rooble ayaa uga mahadceliyey taageerada Soomaaliya ay siiyaan safiiradda wadamada Nordic.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *