Taliska Militariga Maraykanka oo la karantiilay kadib markii Covid19 gudaha ugalay Pentagon-ka

Published: October 7, 2020

Dhamaan Hogaanka ugu sareeya ee militariga Maraykanka ayaa la sheegay in guryahooda lagu karantiilay kadib markii cudurka Covid19 laga helay mid kamid ah Taliyayaasha Sare.

Taliye kuxigeenka Ciidamada Illaalada Xeebaha (Coast guard) Admiraal Charles Ray ayaa laga helay cudurka Covid19, Taliyahan ayaa maalmihii lasoo dhaafay Aqalka Cad kulamo kula lahaa Madaxweynaha Trump oo uu ku dhacay Coronavirus.

Admiraal Charles Ray ayaa sidoo kale kulamo la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Guddiga Taliska hogaanka militariga Maraykanka, kulamadaasi oo ka dhacay xarunta Gaashaandhiga ee Pentagon-ka.

Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka Gen. Mark Milley

Si looga hortago faafida cudurkan ayaa la sheegay in la karantiilay dhamaan Taliyayaasha sare ee Maraykanka iyo qaar kamid ah shaqaalaha Pentagon-ka, waxaana kamid ah xubnaha la karantiilay Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka Gen. Mark Milley.

Dhinaca kale waxaa sii kordheysa tirada Saraakiisha Madaxtooyada Aqalka Cad ee laga helay cudurka Covid19, waxaana ugu danbeeyey Lataliyaha Madaxweynaha Stephen Miller oo kamid ah xubnaha sida weyn ugu dhaw Trump.

Stephen Miller ayaa ah ninka ka danbeeya siyaasada iyo qorshaha Trump ee cunsuriyada lagu tilmaamo ee lagu xakameeyo dadka soogalootiga ah iyo xayiraadii Socdaalka ee xukuumadaasi kusoo rogtay dalalka muslimiinta oo ay Soomaaliya ku jirto.

Qeybta maamulka ee Madaxtooyada ayaa hada la sheegay in shaqaalihii ka shaqeenayey ay noqdeen kuwo intooda badan guryahooda lagu karantiilay, kadib markii uu coronavirus si baaxadleh ugu dhex faafay Aqalka looga taliyo Maraykanka.

Wadanka Maraykanka oo ah dalka uu khasaaraha ugu badan ee nololeed ka geystay cudurka Covid19 ayaa waxaa dadka u dhintay cudurkaasi ay hada gaarayaan in ka badan 210-kun oo qof.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *