Xaliimo Yarey: ” Wali Waan Wadnaa Diiwaangelinta Xisbiyada” – VIDEO

Published: October 7, 2020

Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta shahooyinka aqoonsi gudoonsiiyey lix xisbi siyaasadeed kuwaas oo kamid noqon doona xisbiyada sida kumeel-gaarka u diiwaangashan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa sheegtay inay guddiga ay hogaamiso uu wali shaqada sii wadi doono inta laga gaarayo doorasho dimoqraadi ah.

”Waxaa dhici karto in la leeyahay doorashaa socotee maxay tahay Xisbiyadaan la diiwan-galinayo, guddigaan waa guddi jiro waligiisna wadi doono howlaha xisbiyada”

Xaliimo Yarey

Xisbiyada ay maanta diiwaangeliyeen guddiga doorashooyinka ayaa kala ah: Xisbiga amniga iyo cadaaladda, xisbiga qaransoor, xisbiga cadaaladda iyo dib u heshiisiinta, xisbiga jamhuuriga Soomaliyeed, xisbiga cagaaran ee Soomaaliyeed iyo xisbiga nabadda iyo midnimada.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *