Cali Khaliif Galaydh oo geeriyooday – Taariikhdiisa oo kooban

Published: October 8, 2020

Rabbi ha u naxariistee waxaa magaalada Jigjiga ku geeriyoodey Cali Khaliif Galaydh oo horey Soomaaliya uga soo noqdey Raysalwasaare iyo weliba Xildhibaan.

Cali Khaliif oo ahaa 78 jir ayaa maalmihii u danbeyey xanuunsanaa, waxaana uu ku sugnaa magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, ka hor inta aan la geyn Jigjiga, laba maalmood ka hor.

Geerida Cali Khaliif Galaydh waxaa warbaainta u xaqiijiyey Wasiir ku xigeenka Madaxtooyada ismaamulka Soomaalida Cumar Warfaa.

Cali Khaliif Galaydh ayaa sanadkii 2000 loo magacaabey Raysalwasaaraha Soomaaliya , dowladdii lagu dhisey Carta dalka Jabuuti, waxaana uu xilkaas hayey muddo laba sano ku dhaw.

Waxa uu siyaasadda mar kale dib ugu soo noqdey sanadkii 2012 markaas oo uu ka mid noqdey Baarlamaankii u horeeyey ee dalka gudihiisa lagu dhiso, waxaana uu u tartamey Xilka guddoomiyaha Baarlamaanka taas oo looga guuleystey.

Dowladdii kacaanka ayuu ka soo noqdey Wasiirkii Wershadaha iyo Agaasimihii Wershaddii Sonkorta.

Cali Khaliif ayaa u soo wareegay deegaanada gobolka Sool, waxaana uu asaasey maamulkii Khaatumo oo uu ka noqdey Madaxwdeyne, kadib dagaalo badan oo dhex marey Somaliland iyo Khaatumo waxa uu u wareegay dhanka Somaliland oo uu muddo ka war sugaayey sidii loo heli lahaa wax uu ugu yeeri jirey Somaliland la wada lee yahay.

  1. 1941 Wuxuu ku dhashey baadiyaha Lascaanood ee gobolka Sool
  2. 1961 waxa uu ka baxay Dugsiga sare ee degmada Sheekh
  3. 1965 Waxa uu ka qalin jebiyey Jaamacadda Boston university
  4. 1969-1972 Waxa uu shahaadada Masterka iyo Ph.D ku diyaariyey Syracuse University.
  5. 1973-1974-kii ayuu soo ahaa Agaasimaha Guud Machadka Barashada Maamulka Dowliga ah ee SIPA.
  6. 1974-1976-kii waxa uu soo ahaa Agaasimaha Guud ee Warshaddii Sokorta Jowhar ee SNAI.
  7. 1976-1980-kii Cali waxa uu ahaa Guddoomiyaha Fulinta ee Mashruucii Sokorta Jubba.
  8. 1980-1980 Wasiirkii Wershadaha
  9. 1994-1996 Waxa uu Barre ka ahaa Jaamacadda Syracuse University
  10. 1996- 2000 Madaxa shirkadda SOMTEL
  11. 2000-2001 Raysalwasaarihii Soomaaliya iyo Xildhibaan.
  12. 2012-2014 Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka
  13. 2014 Madaxweynaha Khaatumos State

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *