Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Cali Khaliif Gallayr

Published: October 8, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa tacsiiyeeyey geerida raysal wasaarihii hore ee xukuumaddii ku-meelgaarka ahayd ee Soomaaliya marxuum Cali Khaliif Galeyr oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha oo khadka Taleefanka kula xiriiray Marwada Marxuumka Maryan Cabdi Biixi ayaa xusay doorkii uu ka geystay dowladnimada iyo horumarka dalka, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u qabay Soomaaliya horumarsan oo la jaan qaadi karta dalalka kale ee caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu door muuqda kaga jiraa sooyaalka dalkeenna. Waxa uu noqday Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd ee lagu soo dhisay Carta iyo xilal kale oo uu ugu soo adeegay dalkeenna iyo shacabka Soomaaliyeed si hufan, waddaniyad iyo daacadnimo leh”.

Madaxweyne Farmaajo

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadda federaalka Soomaaliya in la magacaabo guddi qaran oo ka shaqeeya aas-qaran oo loo sameeyo marxuumka, si loo maamuuso dadaalkii uu ku bixiyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *