Xubno Daacish kamid ahaa oo loo heysto dilka Ajaanib oo Maxkamad lasoo taagayo

Published: October 8, 2020

Maxkamada dalka Maraykanka ayaa lagu wadaa in lasoo taago labo nin oo kamid ahaa kooxda Daacish oo loo heysto dilka dad ajaanib ah oo ay ku jiraan suxufiyiin iyo shaqaalaha hay’adaha gargaarka.

Labadan nin oo lagu kala magacaabo El Shafee Elsheikh iyo Alexanda Kotey ayaa waxaa lagu hayey xabsiga ciidamada Maraykanka ee dalka Ciraaq, waxaana laga xayuubiyey Dhalashadii ay heysteen ee dalka UK.

Xubnahan ayaa loo heystaa dilka Suxufiyiinta James Foley iyo Steven Sotloff oo heystay dhalashada dalka Maraykanka, dadka dilkooda loo heysto waxaa kamid ah Peter Kassig iyo Kayla Mueller oo u shaqeenayey hay’adaha gargaarka.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen dilka labo qof oo u dhashay dalka UK oo lagu kala magacaabo Alan Henning iyo David Haines.

Muddo labo sano ah ayaa waxaa socotay dadaalka lagu doonayo in raggan Maxkamad lagu soo taago dalka Maraykanka, balse dalka ay kasoo jeedaan ayaa kasoo horjeeda xukunka dilka ah oo laga cabsi qabay inay ku rido Maxkamada Maraykanka.

Xeer illaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Bill Bar ayaa sheegay in aan lagu ridi doonin xukunka dilka arrintan oo wadada u fureysa in raggan la keeno Maraykanka si halkaasi loogu maxkamadeeyo.

Labadan nin ayaa kamid ahaa koox dagaalyahano kasoo jeeda UK oo ka tirsnaa Daacish kuwaasi oo qaabilsanaa xabsiyada ay kooxda ISIS ku heysay dadka ay u geysteen jirdilka iyo dilka.

Dowlada UK ayaa xog badan oo ku aadan raggan iyo falalkii ay geysteen ku wareejisay dowlada Maraykanka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *