USA: Koox Argagaxiso Cunsuriyiin ah oo gacanta lagu dhigay – Sawiro

Published: October 9, 2020

Ciidamada Amniga ee Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay 13 qof oo loo heysto inay diyaarinayeen weeraro argagaxiso iyo inay afduubtaan Guddoomiyaha Gobalka Michigan Ms. Gretchen Whitmer.

Hay’ada danbi baarista Maraykanka ee FBI ayaa baaritaankan bilaabay horaantii sanadkan, kadib markii xogta kooxdan ka heleen baraha-bulshada oo ay kuwada sheekaysan jireen.

Saraakiil ka socota laamaha amniga ayaa la sheegay inay ku guuleysteen inay dhexgalaan kooxdan si ay ulla socdaan qorshahooda.

Kooxdan ayaa diyaarinayey in xiliga doorashada ay weerar ku qaadaan Guddoomiyaha gobalka Michigan oo ka tirsan Xisbiga Dimuquraadiga Ms.Whitmer oo kamid ahaa siyaasiyiinta uu sida weyn u neceb yahay Madaxweynaha Donald Trump .

Kooxaha Xagjirka Cunsuriyiinta Maraykanka ayaa sii xoogeysanayey tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa marar badan bartiisa Twitterka ku weeraray guddoomiyaha gobalka Michigan isagoona horaantii sanadkan mar ku qoray bartiisa Twitter qoraal ah in “…La Xoreeyo gobalka Michigan..” isagoo cambaareenayey go’aanada maamulka gobalkaasi ku xakameenayeen faafida cudurka Coronavirus-ka, sida joojinta goobaha shacabka isugu yimaadaan iyo xiritaanka makhaayadaha.

Waxay damacsanayeen kooxdan taageerayaasha Trump ah inay Guddoomiyaha ka afduubtaan gurigeeda, iyagoo sii qorsheeyey in ay bambaanooyin ku qarxiyaan nawaaxiga gurigeeda si ay u mushquuliyaan laamaha amaanka.

Lix qof oo kamid ah dadka la qabtay ayaa lagu soo oogay danbiyo ah inay kamid  yihiin koox argagaxiso ah isla markaana qorsheenayeen weeraro lagu khal khalgelinayo amniga Maraykanka.

Kooxaha taageera Trump ayaa horey ugu hanjabayey Guddoomiyaha gobalka Michigan xiligii ay soo rogtay amarada ku aadan xakameynta cudurka Covid19, waxayna kooxahan gobalkaasi ka dhigeen banaanbaxyo iyagoo hubeysan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *