Karaash Oo Ku Wajahan Muqdisho

Published: October 10, 2020

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlada Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta ku wajahan magaalada Muqdisho, isagoo halkaas kaga qaybgali doona aaska qaran ee loo samaynayo raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Karaash ayaa la filayaa markii uu ka qaybgalo aaska kadib inuu kulamo la yeelan doono madaxda dowlada federaalka Soomaaliya.

Diyaaradda sida meydka marxuumka ayaa la sugayaa, waxaana aadan cadde ku sugan guddiga qaban-qaabada aaska qaran, waxaana markii la keeno lagu tukan doonaa salaadda Janaasadda taasoo ay kasoo qaybgali doonaan masuuliyiin iyo madax sare.

Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayey masuuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida sheegeen baaris kadib in Cali u geeriyooday cudurka halista ah ee Coronavirus.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *