Boqor Burhaan Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Raysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya – VIDEO

Published: October 11, 2020

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay hoyga uu ka degan yahay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayuu kaga tacsiyeeyey geerida raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallayr.

Boqorka ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo ehelka marxuumka, isagoo ugu duceeyey inuu alle dambigiisa dhaafo janatul fardowsana ka waraabiyo.

Alle ha u naxariistee Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ayaa shalay oo jimce ah aas-qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuunka halista ah ee Coronavirus.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Boqor ku miyaanu xasuusnayn maalintii Caleemasaarkiisii(Caaba shubkiisii) Qardho cali looga ilaaliyey in magaciisa la sheego ama hadal ka ( khudbaha)lagu daro iyadoo rag badan oo ka maqaam iyo aqoonba ka hooseeya loogu sacab tumayey

    1. Boqorku khudbadiisi ayuu ku xusey, oo sheegay in uu ka xun yahay sida xiriiriyuhu u dhaqmey, kadibna waxay iskua rkeen aaskii Garaad Abshir