Madaxweynaha Eritrea Oo Ka Degay Adis-Ababa

Published: October 12, 2020

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadib casumaad rasmi ah oo ay ka heleen raysal wasaaraha dalkaas.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Bole International Airport ee Adis-ababa uga hortegay raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo  mas’uuliyiin kale.

Afwerki oo seddex cisho halkaas joogi doona ayaa la filayaa isaga iyo Abiy inay yeeshaan kulan looga hadlayo xaaladda gobolka geeska.

Todobaadkii hore ayey ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahu Farmaajo booqasho labo beri ah ku tagey dalka Eritrea, isagoo halkaas kula kulmay madaxweyne Isaias Afwerki.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *