Puntland Oo Xukuno Ku Riday Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Published: October 12, 2020

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Puntland ayaa xukuntay saddex nin oo ka tirsan ururka Alshabaab, kuwaas oo lagu qabtay dagaal 21kii bishii ogoosto ka dhacay buuralayda gobolka Bari.

Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Saciid Xirsi Ibraahim ayaa maxkamadda ka dalbaday in saddex eedeeysane lagu rido xukun dil toogasho ah, kadib markii deegaanada Puntland u tageen dhibaateynta shacabka.

Maxkamada darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida iyo dembiyada culus ayaa laba kamid ah ragaas oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim ku riday xukun xabsi daa’in ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo fadhiga soo xiray ayaa amray in ninka saddexaad oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Isaaq lagu wareejiyo wasaaradda caddaaladda iyo dhaqancelinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *