Xasan Shiikh Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Maalinta Calanka – VIDEO

Published: October 12, 2020

Madaxweynihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu hambayeeyey shacabka Soomaaliyeed sanadguurada 66aad ee kasoo wareegtay maalintii la taagay Calanka Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan ayaa sheegay in xukuumaddii uu hoggaaminaayay ay suurgalisay in calanka dib looga taago deegaanno badan.

“Ilaaheey fadligiis, Dadaalka halyeeyadeena iyo haggaaminteena waxaan ku guuleysannay in Calankeena cirka u eg dib looga taago gobolla badan oo ka dul babado”.

Xasan Shiikh

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka sheekeeyay taariikhdii iyo halgankii kala duwanaa ee loo soo maray calanka, umadda Soomaaliyeed ayuu ku booriyay in qiimeynta calanka kor loo qaado, 66-sano guurada maalinta calanka awgeedna guryaha, goobaha ganacsiga iyo meel weliba laga taago calanka si loo weyneeyo maalintan qiimaha badan.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *