Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Xanibaad Saaray Xildhibaan

Published: October 13, 2020

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka maamulkaasi ka mamnuucay mid kamid ah Xildhibaanada.

Qoraal kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa Xildhibaan Cabdulaahi Axmed Calasow looga mamnuucay fadhiyada baarlamaanka kadib markii lagu soo eedeeyey falal lid ku ah geedi u socodka howlaha Baarlamaanka iyo in uusan kasoo qeyb galin kulamada Baarlamaanka.

Sidoo kale fariintan ayaa lagu wargeliyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor)

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *