Jubbaland Oo Dil Ku Xukuntay Shaqsi Ka Tirsan Alshabaab

Published: October 13, 2020

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubblandh ayaa maanta  xukun dil ah ku ridday Deeqoow Caliyow  oo19-sano jir ah,isla markaana  magaciisa afgarashada loo yiqiinnay  muhaajir.

Eedeysanaha ayaa kamid ahaa 4 argagaxiso ah oo ka danbeyay weerarkii 12 bishii julay ee sanadkii tagay 2019 Hoteel cascaseey ee magaalada kismaayo

Maxkamada ayaa malmahaan ku gudajirtay dhageysiga dacwada loo heeysto Eedeysanaha  Deeqoow oo isga oo dhaawac  misna dagaalamaya lagasoo qabtay Hoteel cascaseey ee magaalada kismaayo.

Bashiir Maxamed Xareed   garsooraha 1-ad ee maxakameda  ciidamada Qalabka sida ee Jubaland  ayaa ku dhawaqay xukunka waxa una sheegay in maxakamada ay Xukun dil ah ay ku xukuntay  danbiile Deeqoow caliyoow.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *