Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Xeer Ilaaliye Iyo Guddoono Maxkamadeed

Published: October 13, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa magacaabay guddoomiyeyaasha maxkamadaha racfaanka iyo maxkamadaha Mudug iyo Galgaduud, ku xigeenadooda iyo xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

1-Saciid C/raxmaan Shiikh : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobalka Galgaduud

2- Maxamed Cabdi Kadiye : Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud.

3-Jimcaale Cali Salaad : Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Mudug.

4- Cabdirisaaq Cali Yusuf : Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Mudug.

5-Cabdullaahi Cali Cumar : Ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug.

6- Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee Galmudug.

Madaxweynaha ayaa magacaabay xubnahan kaddib markii uu garowsaday Baahida degdega ah ee loo qabo dhisidda hay’adda garsoorka Galmudug, isla markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha garsoorka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *