Raysal Wasaare Rooble Iyo Wakiilada Beesha Caalamka Oo Ka Wada Hadlay Doorashada 2021

Published: October 13, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa maanta ka shiray habsami-u-socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib-u-eegista dastuurka.

Kulankan oo uu shir-gudoominayey raysal wasaare Rooble ayaa lagu bogaadiyey hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii madaxda DFS iyo dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in doorashooyin waqtigooda ku qabsooma.

Wasaaraha ayaa shirka kusoo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, isla markaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.

Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *