Shirkadii 2aad oo joojisay tijaabada Daawada Talaalka Covid19

Published: October 13, 2020

Shirkada daawooyinka soo saarta ee Johnson & Johnson ayaa Isniintii shalay sheegtay inay hakisay ama joojisay si kumeel gaar ah tijaabadii ay ku waday daawada Talaalka looga hortago Covid19 oo ay sameenayeen bilihii lasoo dhaafay, kadib markii uu jiraday qof kamid ah dadkii lagu  tijaabiyey Talaalkaasi.

Qoraalka kasoo baxay shirkada J&J ayaa lagu sheegay in baaritaan lagu wado sababta keentay jiradan ku dhacday mid kamid ah kumanaanka kun oo qof ee iyaga lagu tijaabiyey daawadan.

Johnson & Johnson ayaa kamid ah shirkadaha dadaalka ugu jira soo saarista Daawada Talaalka Covid19 oo aan illaa iyo hada lagu guuleysan, shirkadan ayaa dalka Maraykanka ka waday tijaabadan oo ay ka qeyb qaadanayeen 60-kun oo qof oo isdiiwaangeliyey.

Bishii September ayey sidan oo kale u joojiyeen tijaabada Daawada Talaalka oo ay soo saartay shirkada AstraZeneca oo kaa shaneysay Jaamacada Oxford, kadib markii sidan oo kale uu qof kamid ah dadka tijaabada talaalka lagu sameeyey uu jiraday.

Shirkadaha waaweyn ee daawooyinka soo saara ayaa dhaqaale badan ka helay dalalka horumaray si loo dadajiyo helida Daawada Talaalka Covid19, cudurkan oo aan illaa iyo hada wax daawo ama Talaal ah loo heyn.

Inta badan shirkadaha heerka gebgebada maraya tijaabada daawooyinka ay soo saareen ayaa kumanaan kun oo qof ku tijaabinaya daawadan kahor intaan suuqa la keenin, waxayna rajadooda tahay in dhamaadka sanadkan ay suuqgeeyaan daawooyinkan.

Khalid Yusuf
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *