Gen. Odawaa Oo Gaaray Gobolka Gedo

Published: October 14, 2020

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyey saraakiisha Taliyaha Howlgalinta Guutada Gorgor, guddoomiyaha gobolka Gedo, taliyaha ciidamadda xasilinta gobolka Gedo, Taliyaha qeybta booliska, maamulka degmada Doolow iyo qaar kamid ah saraakiisha Cciidanka NISA ee degmooyinka Doolow, Luuq iyo masuuliyiin Kale.

Wafdiga taliyaha waxaa ka mid ah taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bogmadoow iyo Taliyaha Guutada 12-aad ciidanka xoogga dalka Jeneraal Sanka.

Ujeedka safarka gobolka Gedo ee Gen. Odawaa ayaa ahaa sidii uu u kormeeri lahaa xarumaha ciidanka xoogga dalka ee gobolkaasi, isla markaana ugu kuurgeli lahaa shaqada adag ee ay ciidanku u hayaan dalkooa.

Taliyaha ciidanka xoogga Gen. Odawaa ayaa inta uu ku suganyahay Gedo wuxuu gaari doonaa magaalooyinka Beled-Xaawo, Garbahaareey iyo Luuq.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *