Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Qaraxii 14ka October

Published: October 14, 2020

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan oo ka hadlay qaraxii seddex sanno kahor ka dhacay igoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaas oo lagu xasuuqay ummad Soomaaliyeed.

War qoraal oo kasoo baxay xafiiska qaramada midoobay ee Soomaliya ayaa lagu xusuusiyey shacabka Soomaaliyeed musiibadii 2017 ka dhacday magaalada Muqdisho.

“Bahda Qaramada Midoobay, oo la jirta dadka Soomaaliyeed, waxay diiradda saaraysaa mustaqbalka iyo in la sii wado amba-qaadista horumarka ku aaddan nabadda, dowlad wanaagga, iyo barwaaqo ku-soo-dabbaalidda [dalka]”. Horumarkii lagu tallaabsaday laga soo billaabo 2017kii wuxuu ka turjumayaa adkeysiga dadka Soomaaliyeed iyo rabitaankooda ku aaddan mustaqbal wanaagsan inkastoo ay jirto dhibaatada xagjirnimada gacan-ka-hadalka leh. Si kastaba ha ahaatee, arxan-darradii waxashinimada ahayd ee weerarkii 14kii Oktoobar 2017 lama iloobin, waxaana murugada la qaybsanaynaa qoysaska dadkii naftooda ku waayay, iyo sidoo kale dadkii ka badbaaday,”. 

James Swan

Weerarka waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs). Bololaal kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *