Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Qaybgalay Baroordiiqda Qaraxii Zoobe Ee 14ka October

Published: October 14, 2020

Raysal Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad ka dhacday tiyaatarka qaran oo loogu baroordiiqayey dadkii ku dhintay qaraxii seddex sanno kahor ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda oo ku bilaabatay duco iyo quraan akhris ayaa loogu duceeyey dadkii ku naf waayey iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii musiibada ahaa ee Soobe.

Raysal wasaare Rooble oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa ugu baaqay Culimadda Soomaaliyeed inay dadka ay wacyi-gelin u sameeyaan, fahamsiiyaan diinta, isla markaana ay ka qeyb qaatan sidii loogu hortagi lahaa falalka ay geystaan argagixisida.

Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe oo ahaa mid musiibo ah ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 587 qof, wuxuuna ahaa weerarkii argagaxiso ee ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika oo loo adeegsaday walxaha qarxa ee macmalka ah (IEDs), ayna ku dhaawacmeen boqolaal qof kale, sidoo kalena ay ku burburtay hanti farabadan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *