Ciidamada Danab oo loo magacaabey Taliye cusub

Published: October 15, 2020

Kadib markii muddo muran ka taagnaa hoggaanka ciidamada Danab ee uu dhaqaalaha ku bixiyo Maraykanku isla markaana la siiyo tababaro gaar ah ayaa loo magacaabey taliye cusub.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Axmed Cabdullaahi Nuur (Beeryare), waxaana uu ka tirsanaa qaybta saadka ee ciidanka Danab.

Taliyihii hore ee ciidanka Danab Ismaaciil Cabdimaalik Macalin ayaa lagu eedeeyey musuqmaasuq, waxaana uu muddi ku xirnaa isla Wasaaradda Gaashaandhigga.

Ciidamada Danab ayaa la asaasey sanadkii 2013, tan iyo markaas waxaa soo marey taliyaal gaaraya 8 taliye.

Arrin tan ayaa ku soo beegmasya iyada oo Maraykanku dib u eegid ku samaynaayo dhaqaalaha ciidamada Soomaaliya ay ku bixiyaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *