Labo Qof oo Maraykanka ah oo Lagu Bedeshay 240 Qof oo Yemeniyiin ah

Published: October 15, 2020

Kooxda Xuutiyiinta ee ka taliya inta badan wadanka Yemen ayaa sii daayay labo oo u dhashay wadanka Maraykanka kadib markii ay ku bedesheen 240 qof oo Yemeniyiin ah oo ku xirnaa wadanka Cumaan.

Aqalka cad ee Maraykana ayaa shaaciyay in la sii daayay Sandra Loli oo ah haweeyn arrimaha bani’aadanimada ka shaqayn jirtay iyo nin Ganacsade ah oo lagu magacaabo Mikael Gidada, labadan qof ayaa afduubnaan kooxda Xuutiyiinta.

Sidoo kale, xuutiyiintu waxay wareejiyeen maydka Bilal Fateen oo geeriyooday intii uu ku jiray xabsiga xuutiyiinta.

Robert O’Brien oo arrimaha ammaanka kala taliya madaxweynaha Maraykanka ayaa u mahadceliyay boqorka Sucuudiga Salmdan iyo Suldaanka wadanka Haytam bin Tarik kaalintii ay ka qaateen in la sii daayo muwaadiniinta Maraykanka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa wada olole ballaaran oo uu ku doonayo in dib loogu doorto madaxweynaha Maraykanka doorashada 3 November, isagoo ku cadaadinayay Boqortooyada Sucuudiga in la soo daayo muwadiniinta Maraykanka ee afduubnaa kooxda Xuutiyiinta.

Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay Labada qof ee Maraykanka inay ahaayeen Basaasiin, islamarkaana meelo u duween gargaarkii bani’adanimo ee loogu talaglay shacabka Yemen.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *