Dowada Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Khadka Ka Go’an Koonfurta Dalka

Published: October 17, 2020

Sii hayaha Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumada Soomaaliya oo ciladda dhinaca internetka ah ee ka jirta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka hadlay bartiisa Facebook-ga ayaa yiri:-

” Iyada oo laga jawaabayo baaqii dowladda ee ahaa in dalku yeesho xargo badan oo Internetka soo geliya dalka, ayaa waxa aan ugu bishaaraynaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in uu shaqo bilaabay Khadka Xarrigga Internetka ee DARE1 (Djibouti Africa Regional Express 1) oo noqonaya xarriggii labaad ee Internet ee magaaladda Muqdisho ka howlgala; Xarriggan cusub ayaa waxa aan rajaynaynaa in uu xoojin fiican u noqon doono xariggii hore ee Internet ee ka shaqeynayey magaalada.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyadda waxa ay uga mahadcelinaysaa Shirkadda SOMTEL oo degdeg uga jawaabtey baaqii dowladda ee ahaa helitaanka xarrigga labbaad ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa dalka soo gaarey oo howl bilaabay Markabkii xalin lahaa cilladdii hore ee ku dhacday xariggii 1-aad ee Internet-ka ee Eastern Africa Submarine Cable System (EASSy) ee Shirkadda DALKOM, taariikhdu markii ay ahayd 26 July 2020, Kooxda farsamada ee la socota markabkan ayaa waxa ay howshooda ku soo gebogabeyn doonaan muddo kooban, taas oo aan ka warhayno in ay cirriiri gelin doonto isticmaalka Internet-ka ee xarriggaas mudadaas kooban “

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *