Madaxada Midowga Yurub oo looga shakisan yahay Koroona Fayras ku dhax faafey

Published: October 17, 2020
Wasiirka Arrimaha dibadda Awsteeriya ee laga helay cudurka COVID-19

Shirkii heerkiisu sareeyey ee Wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ay todobaadkan ku yeesheen magaalada Luxemburg ayaa looga shakisan yahay in uu sababi karo in qaar badan oo kamid ah Madaxdii ka qaybqaatey shirkaas ay qaadeen Fayraska Koroona.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Awsteeriya Alexander Schallenberg ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhacay Fayraska Koroona ee xanuunka COVID-19. Wasiirka ayaa ka qaybgalay shirkii Midowga Yurub ku yeesheen Luxumburg maalintii Isniinta, waxaana afhayeenkiisu sheegay in ay u badan tahay in uu shirkaas ka soo qaadey.

Qaar badan oo kamid ah Wasiiradii Arrimaha dibadda ee shirkaas ka qaybqaatey ayaa iskood isu karantiilay waxaana kamid ah Wasiirka Arrimaha dibadda ee Biljimka Sophie Wilmes.

Shirka ka dhacay Luxemburg ayaa ahaa kii cunno qabateynta lagu saarey xubno kamid ah dalka Ruushka oo xiriir dhaw la lahaa Aqalka Kremlinka.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *