Puntland Oo Dil Toogasho Ku Fulisay Nin Dilay Hooyadii

Published: October 17, 2020

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlada Puntland ayaa maanta oo sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay nin hooyadii ku dilay deegaanka Jallam ee gobolka Nugaal.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Cabdi Caagane oo saddex bilood kahor markii uu hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal, kadibna xabsiga dhigay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland oo ku xukuntay dil toogasho ayaa maanta ku fulisay Faarax oo hooyadiid u dilay si bareer.

Dilkiisa waxaa fuliyay Caawin Cabdi Maxamed oo ah marxxuumka walaalkiis, isagoo sheegay in qoyskooda oo ka kooban todoba ruux isku raaceen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha.   

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *