Puntland Oo Shaqo Joojin Ku Samaysay Guddoomiyihii Ciyaaraha G. Karkaar

Published: October 17, 2020

Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaradaha dowlada Puntland ayaa shaqadii ka joojisay guddoomiyihii dhalinyarada iyo ciyaaradaha gobolka Karkaar Guuleed Cabdirisaaq Nuur.

Warqad kasoo baxday wasaaradda ayaa shaqadii looga joojiyey Guuleed kadib markii lagu helay xushmad darro madaxda ugu saraysa Puntland, qabyaalad iyo kala qaybinta dhalinyarada iyo bahda ciyaaraha gobolka Karkaar.

Sidaas daraadeed wasaaraddu waxay xilkaas si kumeel-gaar ah ugu sii haynaya isku-duwaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo ciyaaraha gobolka Karkaar Maxamuud Abshir Maxamed.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *