Tirada dadka qaba COVID-19 ee Italy oo cirka isku shareertey

Published: October 17, 2020

Maalintii Shalay oo keliya, 10,000 kiis oo cusub oo Fyaraska Koroona ah ayaa laga diiwaan geliyey dalka Talyaaniga taas oo ah tirada ugu badan ee maalinlaha ah illaa iyo hadda. Xiligii Guga, heerarka faafidda Fayraska Korona ayey ugu sarreeyay bishii Maarso 21, markaas oo in ka badan 6,500 oo qof la xaqiijiyey in ay qabaan COVID-19. Dalka Talyaaniga ilaa hadda waxaa ku geeriyoodey in ka badan 36 400 iyo 391 000 oo uu ku dhacay covid-19.

Jaahwareerka ayaa ku sii fidaya dadka Talyaaniga ka dib markii lasheegay in faafitaanka cudurka uu ku soo batey dalka.

Waxay kordhisaa walaacyada. Isla mar ahaantaana, dowladdu waxay isku dayeysaa inay dadka xusuusiso sababta keentey in tiradu ay aad u badato ay tahay in tijaabada iyo baaritaanka la sameeyey ay aad uga badan tahay middii la sameeyey xiligii guga.

In ka badan 150,000 oo qof ayaa saamiyada COVID-19 laga qaadey 24 saacadood gudahood intii u dhexeysey Oktoobar 15-16, sida uu qoray wargayska The Local. Laakiin fikradaha dadka deegaanku ka qabaan heerarka cudurka ee sii kordhaya way kala duwan yihiin:

Dad badan ayaa qaba in aan welwel laga muujin ee waxaani ku dhacayo kana baxayo, halka dad kale qabaan in cudurkaani weli yahay safmareen dilaa ah.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *