Biixi oo si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera

Published: October 18, 2020

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta gaarey magaalada dekadda leh ee Berbera, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

Biixi ayaa mid mid u gacan qaadey in badan oo kamid ah dadkii soo dhaweeyey, iyada oo khatarta COVID-19 ay tahay mid weli taagan, waxaana uu dhexmarey magaalada Berbera iyada oo dadweyne badan ay dariiqyada isugu soo baxeen.

Booqashada Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in ay daaran tahay sidii uu xariga uga jari lahaa mashaariic kala duwan oo Berbera laga fuliyey sidoo kale xog-ogaal u noqdo hawlaha ka socda.

Berbera waxaa dib loo ballaariyey dekadda oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn Somaliland, sidoo kale waxaa dayactir weyn lagu sameeyey garoonka Berbera oo ah mid ay dhistey Dowalddii hore isla markaana ah garoon aad u dheer.

Booqashada uu Biixi ugu baxsay gobolada Bariga ayaa ku soo beegmeysa xili mucaarado xooggan ku furan yihiin, dalkana uu ka jiro sicir barar dhibaateeyey dadka danyarta ah.

Hoos ka daawo Soo dhaweynta.

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *