Diyaar garowga soo dhaweynta Madaxweyne Deni oo Garowe ka socota

Published: October 18, 2020

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed ayaa lagu wadaa maanta in uu ka dego magaalada Garoowe ee fadhigiisu yahay, Madaxweynaha ayaa ka soo duulaya dalka Kenya oo uu hadda ku sugan yahay.

Soo dhaweyn loo diyaar garoobey guddina loo sameeyey ayaa ka socota magaalada Garoowe, waxaa la joojiyey dhaq-dhaqaaqa gaadiidka, waxaa la nadiifiyey waddooyinka waxaana lagu xardhey halkudhigyo soo dhaweyn.

Sababta Madaxweynaha isla magaaladii fadhigiisu ahaa loogu soo dhaweynaayo ayaa lagu sheegay in ay tahay guulihii siyaasadeed ee uu ka soo hooyoyey ka saaridda dalka marxaladda kala guurka ah, asteynta tubta doorashada iyo sida uu u guuleystey mowqifkii uu markii hore taagnaa kadib ka baaqashadiisi shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne Deni ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda furo Kalfadhigii Baarlamaanka ee caadiga ahaa, kaas oo shaqada ugu horreysa ee ay qaban doonaan noqon doonto doorashada 11 Xildhibaan oo kamid ah golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *