Raysalwasare Rooble oo la kulmey James Swan

Published: October 18, 2020

Raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, James Swan ayaa maanta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta guud leh ee dowladnimada iyo xuquuqda aadanaha, amniga, nabad-dhisidda iyo Doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa ee dhammaadka sanadkaan 2020/2021.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble iyo James Swan ayaa isla soo hadal qaaday Arrimo ku aadan horumarka bulshada iyo dhaqaalaha dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Waa kulankii ugu horreeyay oo si ka  fool-foolka ah u yeeshaan Maxamed Xuseen Rooble iyo James Swan tan iyo markii Rooble loo magacaabay raysal wasaaraha Soomaaliya.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *