FRANCE: Dowlada oo dilka macalim ku eedaysay ururo Islaami ah

Published: October 19, 2020

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Faransiiska ayaa ururo islaami ah ee ka jira wadankaasi ku eedeeyey inay ku lug lahaayeen dilka loo geystay Macalim loo heystay aflagaadeynta Nebi Maxamed SCW oo jimcihii lasoo dhaafay qoorta laga jaray.

Dilkan ayaa waxaa Jimcihii  lasoo dhaafay geystay wiil 18 sano jir ah oo lagu magacaabo Cabdallah oo asal-ahaan kasoo jeeda Chechniya kaasi oo madaxa ka jaray macalinkan oo lagu magacaabi jiray Samuel Paty.

Wiilka dilka geystay ayaa waxaa toogasho ku dilay ciidamada booliiska.

Waxaa hada xiran 11 qof oo ay kamid yihiin qoyska ninka dilka geystay.

Macalimkan ayaa la sheegay inuu dhawaan fasalka uu dhigayey kusoo bandhigay sawirada lagu aflagaadeenayey Nebi Maxamed SCW oo ay daabacday jariirada wadankaasi, isagoo sheegay inuu ardaydiisa barayey xoriyatul Qawlka, arrintan oo ay cambaareeyeen waalidiinta muslimiinta ah ee caruurtooda iskuulkaasi dhigan jirtay.

Sawiradan ayaa horey u dhaliyey weeraro ka dhacay magaalada Paris sanadkii 2015 oo lala beegsaday jariirada faafisay.

Falkaasi uu ku kacay macalinka kadib ayey ururada ka jira dalkaasi France ee islaamiga ah soo saareen cambaareyn ka dhan ah iskuulka iyo macalinkaasi.

Wasaarada Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in ururka lagu magacaabo Collectif contre l’islamophobie (isbaheysiga ka hortaga islaam-naceybka) uu soo saaray Fatwo ah in la dilo macalinkaasi waa siduu ku dooday Wasiirka Arrimaha Gudaha Gérald Darmanin.

Wasiirkan ayaa sheegay inuu hada ka shaqeenayo in ururkaasi laga mamnuuco wadanka Faransiiska.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *