Madaxweynaha Galmudug Oo Magacaabay Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug

Published: October 19, 2020

Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa Cusmaan Macallin Xasan u magacaabay Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmudug.

Cusmaan Macalin oo ah aqoonyahan ayaa xirfad dheer u leh arrimaha maamulka & horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona kasoo shaqeeyay dalka iyo dibadaba.

Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadyadii dambe ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Soomaaliya (SIU).

Magacaabistaan ayaa soo baxday kaddib markii Madaxweynuhu garowsaday baahida degdega ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla markaana tixgeliyey kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay arrimaha maamulka & maareynta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *