Cabdi Xaashi Oo La Kulmay Safiirka Sweden

Published: October 20, 2020

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Danjire Staffan Tillander.

Guddomiyaha iyo Safiirka ayaa kulankoodu ahaa is xogwaraysi xaaladda Guud ee waddanku hadda marayo iyo marxalada kala guurka ah.

Sidoo kale waxay ka wada hadleen shaqada Midowga Yurub gaar ahaan Sweden ka wado Soomaaliya, oo ka mid tahay arrimaha dib-u-eegista dasturka, doorashooyinka soo socda iyo sidii mustaqbalka loo xaqiijin karo in Soomaaliya gaadho doorasho qof-iyo-cod ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *