DR Congo Maleeshiyaada weerar ku qaaday xabsi weyn

Published: October 20, 2020

In ka badan 900 maxbuus ayaa la sheegay inay saaka oo Salaasa ah xabsiga ka baxsadeen kadib markii ay weerar qorsheysan maleeshiyaad ku qaadeen xabsiga weyn ee ku yaal magaalada Beni ee waqooyi-bari dalka DR Congo.

Weerarkan ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeys kooxda ADF ee ka dagaalanta gobalkaasi oo la rumeysan yahay inay taageero ka hesho dowlada Ugandha.

Maleeshiyaadkan ayaa la sheegay inay cagta mariyeen saldhig weyn oo ay magaaladaasi ku lahaayeen ciidamada dowlada DRC.

Duqa magaalada Beni ayaa sheegay in tirada maleeshiyaadka weerarkan ka qeyb qaatay ay aad u badneyd isla markaana gudaha u galeen xabsiga oo ay kasii daayeen in ka badan 900 maxbuus oo halkaasi lagu hayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *