France oo tarxiilaysa boqolaal muslimiin lagu sheegay Xagjir

Published: October 20, 2020

Dowlada Faransiiska ayaa wada olole ka dhan ah dadka ay ku tilmaamtay kooxaha xagjirka ah ee ku nool wadankooda, waxaana xabsiga la dhigay labadii maalin ee lasoo dhaafay tobaneeyo qof oo ah muslimiin taageeray dilkii jimcihii lasoo dhaafay loo geystay nin macalim ahaa kaasi oo lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Nebi Maxamed SCW.

Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa bartilmaameed ka dhigatay ururada Islaamiga ah ee wadankaasi iyadoo ka faa’iideysaneysa xiisada ka dhalatay dilkii dhacay Jimcihii lasoo dhaafay.

Waxaa sidoo kale kamid ah dadka baaritaanka ku socdo qaar kamid ah Ardaydii uu wax u dhigay jiray macalinka la dilay, waalidiintooda iyo waliba dad baraha bulshada ku faafiyey taageerada ay u hayaan dilka macalimka la sheegay inuu ardayda uu wax u dhigayey tusay sawirada lagu aflagaadeenayey Nebi Maxamed SCW isagoo ku sheegay casharadaasi kuwo ardayda lagu barayo xaquuqul-Qawlka.

Dhinaca kale dowlada Faransiiska ayaa qorsheenaysa inay wadankeeda ka tarxiisho 213 qof oo lagu sheegay dad xagjir ah oo ay ku jiraan 151 hada lagu hayo xabsiyada kuwaasi oo dib loogu celinayo wadamada ay kasoo jeedaan.

Faransiiska ayaa hada gorgortan kula jira wadamada ay u dhasheen dadkaasi ay doonayaan inay tarxiilaan, macada in ay ku jiraan dad Soomaali ah.

Hanad Askar
Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *