Laftagareen Oo La Kulmay Madaxda TIS Iyo USAID

Published: October 20, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ayaa Madaxtooyada Baydhabo kulan kula qaatay mas’uuliyiin ka socday hay’addaha USAID iyo TIS.

Madaxweynaha ayaa waxa kulanka ku wehliyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi, waxayna madaxdu ka wada hadashay howlaha shaqo ee hay’adahani ka wadaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo sida ay uga qeyb-qaadanayaan hirgelinta dib-u-dhiska goobaha muhiimka ah sida wadooyinka iyo xarumaha danta guud.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Masuuliyiinta USAID iyo TIS ku amaanay shaqooyinka wanaagsan ee ay ka wadaan deeganada Koonfur Galbeed, isagoo ku bogaadiyey inay sii laba jibaaran shaqooyinkaas.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *