Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Golaha Wasiirada Cusub – SAWIRO

Published: October 20, 2020

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan la qaatay Golaha Xukuumadda cusub ee dowlada federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo kii ugu horeeyey ee madaxweynuhu kula golaha wasiirada cusub ayaa waxaa kasoo qaybgalay raysal wasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo dhamaan wasiirada cusub.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey raysal wasaare Rooble sida uu usoo dhisay Xukuumad tayo leh, doorka uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii horumarineed ee dalku uu gaaray sanadihii la soo dhaafay.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoonka iyo xildhibaannada golaha shacabka ka codsaday ansixinta xukuumadda raysal wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla golaha xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *