Muqdisho: Qarax Lala Eegtay Agaasimaha Hay’adda Socdaalka

Published: October 20, 2020

Qarax xoogan ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska KM-4, kaas oo jugtiisa inta badan laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay agaasimaha hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo xiligaas marayey wadada, haye yeeshee ka badbaaday isagoo saarnaa gaari nooca xabadu karin.

Laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, waxaana ku dhaawacmay qaar kamid ah ilaaladii agaasime Koofi, waxaana isla markiiba loola cararay goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada federaalka Soomaaliya kaas oo ku saabsan qaraxa lala eegtay agaasime Koofi.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *