Puntland Oo Deegaanadeeda Ka Joojisay In Laga Furo Shifooyinka

Published: October 20, 2020

Dowlada Puntland ayaa mamnuucday in aan gudaha Puntland aan laga furan karin Xarumaha Qur’aan saarka ama cilaajka ee dadka looga daweeyo Jinka, Isha, Sixirka iyo Cuduro kale.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Diinta dhaqan-celinta Puntland ayaa lagu sheegay inaan deegaanada Puntland laga furan karin Xarumaha Cilaajka, xili ay Garoowe ku sugan yihiin culimo ku shaqaysta arrimahaas.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay ilaa iyo inta saxayo habsami u socdka shaqooyinka ay qabtaan Xarumaha Cilaajka inaan laga furan karin.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *