Somaliland Oo Ku Amartay Shacabkeeda Inay Shirar Uga Qaybgali Karin Muqdisho

Published: October 20, 2020

Maamulka Soomaaliland ayaa amar kasoo baxay waxaa lagu sheegay inay shacabka reer Soomaaliland in ay kulamo ama shirar uga qaybgali karin magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Xukuumada madaxweyne Biixi oo soo saartay amarkan ayaa sidoo kale sheegtay inaan marna la aqbali doonin inay shacabka Soomaaliland sida ururada rayidka iyo dhamaan qaybaha kale shirar u tagaan Muqdisho.

“Dhammaan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland looma ogola inay ka qayb-galaan kulamada lagu qabto Soomaaliya” 

Soomaaliland

Sidoo kale Xukuumada Soomaaliland ayaa deegaanadeeda ka mamnuucday dadka shirarka iyo kulamada uga yimaada magaalada Muqdisho.

Bishii June ee sanadkan 2020 ayey ahayd markii Soomaaliland iyo dowlada federaalka Soomaaliya ay Jabuuti heshiis hordhac kaga gaareen qodobka isu socodka dhaqanka, waxbarashada, ciyaaraha iyo ganacsiga, balse waxaa laga reebay isku socodka siyaasiyiinta oo ahaa qodob la isku mari waayay.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *