Taliye Ku Xigeenkii Booliska Soomaaliyeed Oo Geeriyooday

Published: October 20, 2020

Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska caasimaddiisa London ku geeriyooday Taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid(Cabdi Dhibow),oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid.

“Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”.

Taliye Xijaar

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *